Ciidanka Booliska oo Digniin u Jeediyay Gaadiidleyda


Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka nabadgelyada waddooyinka Somaliland ayaa digniin adag ka soo saaray Laydhka saayidka ah ee gaadiidka lagu xidho, waxaanay sheegeen in dirawalka lagu qabto isaga oo gaadhigiisa ku xidhay, in laba milyan lagu ganaaxi doono xadhigna loogu dari doono.
Sidoo kale waxa la faray ciidamada nabadgelyada waddooyinka inay ka waantoobaan laydhadhka siyaadada ah ee lagu xidho gaadiidka, waxa ay ciidanka nabadgelyada waddooyinku intaas ku dareen in ay sababeen shilal badan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Geesta kale waxa ay ciidamada nabadgelyada waddooyinka Somaliland ay soo bandhigeen khasaaraha nafeed ee ka dhashay laydhadhka saayidka ah ee lagu xidho gaadiidku.
Haddaba sidan waxa warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo la hadlay warbaahinta.
Waxaanu yidhi.“Laydhka siyaadada ah ee gaadiidka lagu xidha waxay keenaan dhibaatooyin kala duwan, wax uu gaadiidka u qabanaya majiro, dadkiina dhibaato ayuu ku keenaya.
14-kii toddobaad ee u danbeeyay shilalka ay sababeen laydhadhka siyaadada ah ee gaadiidka lagu xidha, waa laba dhimasho iyo khasaare fudud.

Laydhadhka siyaadada ah ee hadda la soo dejiyay ee la iibiyo isla markaana lagu xidho gaadiidku halistood ayay leeyihiin, inta ugu badan ee shilalkaasi dhacaana waa afarta galabnimo ilaa lixda habeenimo, iyada oo dadku ay Ciid tagayaan, afur tagayaan, suuqa u soo baxayaan, xawaare ayay ku socdaan, waxaanay keenaysa in gaadiidkii dadkii jiidhaan oo dhibaato keenaan.
Dirawaliinta waxa aanu uga digeyna inay joojiyaan laydhka siyaadada ah ee ay gaadiidka ku xidhayaan, dirawalka danbe ee aanu ku qabano ganaax daaye, xadhig ayaanu ugu beddelaynaa.

Xawaaraha lagu soconayo ee 75 ee Xeerka nabadgelyada waddooyinka, isaga oo aan xeerka ciqaabta loo eegin, xeerka nabadgelyada waddooyinku waxa uu sheegaya xadhig saddex bilood ah iyo ganaax laba milyen ah, lagu xukumi doono dirawalinkii lagu qabto.
Laydhka siyaadada ah 82 ninka ku xidha waxaan loo ogolayn, ee sharcigu tilmaamay waxbaanu ka qaban doona, dadka waxa aanu uga digeyna in labadaas qodob wax ka badan aanay gelin, ninkastowba gaadhigaaga haddii uu ku xidhan yahay ka fur”