Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in kiiska Dahabka laga dhacay dhibban Sakhiya Ibraahim uu gacanta ku hayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan Hogaanka Baadhista Dambiyada ee (C.I.D).

Sida lagu sheegay qoraal mar dhawayd ka soo baxay Taliska Booliska, waxa ay ciidanku wada shaqayn wanaagsan kala sameeyeen kiiskan Hay’adaha Dawladda ee ay khusayso arrintani, sida Ciidanka Socdaalka iyo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradaha Jamhuuriyadda Somaliland.
“Waxaa gacanta lagu hayaa eedeysanayaal u xidhan dhacdadaasi, iyadoo baadhitaanku weli socdo.

Sidaas darteed, waxaannu bulshada ka codsanaynaa in aan laga hordhicin natiijada baadhista , lana sugo warka rasmiga ah ee Ciidanka Booliska JSL.

Ciidanku iyagoo garab taagan hooyada dhibbanta ah, gudanaayana waajibaadkooda sharciga ah, waxay sameeyeen dadaal adag. Waxaanan hooyada ka codsanaynaa in ay si toos ah ula socoto hab-socodka baadhitaanka ee ka socda Xarunta Hogaanka Baadhista Dambiyada (C.I.D),” ayaa lagu yidhi warkan ka soo baxay Booliska Somaliland.