Ciidanka Dabdemiska oo u Gurmaday Guri ku Yaalla Xaafadda Qunyar dega ee Burco oo dab Qabsaday
Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Dab-demiska Burco ayaa damiyay dab qabsaday Guri Jiingad ah oo ku yaala xaafada Qunyar dega ee degmada Lixle.
Dabkan ayaa markii ciidanka Dabdemiska loo soo sheegay si degdega u gaadhay, dabkan ayaa halis galiyay guryihii u dhawaa waxaana ciidanku dabkaa ka badbaadiyeen guryihii kale, isagoon u gudbin.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan halista dabka ama wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, sidoo kalena ka fogaadaan goobaha dabku ka kaco. Isla marka dabku dhacana soo wargeliyaan inta dabku yar yahay.