Ciidanka Debdamiska ooka Hadlay Hawlgal ay ka Fuliyeen Xaafada Sh. Nuur
Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala xaafada Sheekh Nuur.
Ciidamada ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan halista dabka ama wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, sidoo kalena ka fogaadaan goobaha dabku ka kaco.
Sidoo kale ciidanku wuxuu bulshada ku adkaynayaa in ay dabka soo sheegaan inta uu yaryahay.