Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Cumaan ayaa sheegtay inay isku dubbaridayso dadaallo ay kala kaashanayso Sacuudi Carabiya, dhinacyada Yemen iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, si dib loogu bilaabo hannaanka siyaasadeed ee looga golleeyahay in lagu gaadho amni iyo xasillooni gobolka.

Iyo si ay u nabdoonaato ganacsiga isaga gudbaaya marinka bada cas gaar ahaan Baabul mandab oo dhawaanahan laga dayrinaayay in ay xidhanto ama ay ka dhacaan weeraro ay ku hanjabeen Xuutiyiinta Yemen.