Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta booqasho , Salaan iyo Duco ugu yimid madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal ( Cirro )
Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa madaxweynaha la doortey ugu horeyn alleh SWT uga baryey inuu xilka loo doortey u fudeydiyo , waxaana uu siiyey talooyin .
Madaxweyne Riyaale ayaa dhawaan dalka u yimid sidii uu uga qeyb geli lahaa caleemo saarka iyo dhaarta madaxweynaha la doortey ee Somaliland .
Kulanka waxaa ku wehelinaayey madaxweynaha la doortey madaxweyne ku xigeenka la doortey AMB Maxamed Cali Aw Cabdi .