“Dadaal kasta oo aan samaynay intii dhibtu dhacday, oo xal la gu gaadhi lahaa Muuse ayaa fashiliyay.” Gudoomiye Khaliif baa manta sidaas ku sheegay waraysi uu bixiyay. Wax kasta oo uu sheegay cadayn iyo marag buu u yeelay. Hadal faaruq ah muu is ka jeedin. Muuse dano yaryar oo gaaban buu ka raadinayaa mashaqada Meesha ka taagan, 21 kii maalmood ee inna dhaafay na, wiilal badan ayaa dhintay. Is ku darka dhimashada ee labada dhinac waa boqolaal, dhaawacu waa kumanaan, khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay burburka hantidu na, waa malaayiin hadii aanu balaayiin ba gaadhin. Waxaas yaa masuul ka ah? Dabcan Muuse – foolxumadaasi ninkaas geesna u ma dhaafsana. Maanta waxa la cadeeyay in ciidanka Somaliland ee Sool joogaa ay amar-diiddo baahsan ku dhaqaaqeen, Nuux Taani na uu geed is ka hoos seexday markii cidi waxba ka dhegaysan weyday. Dabcan xaq ayay u leeyihiin, maxaa yeelay si xun baa loo maamulay wiilashaas, si kasta oo dhimashadoodu ku badanayso na waa la sameeyay. Ciidanka waxa aan ku boorrinayaa in ay deegaamada la ga ogolyahay yimaaddaan, maxaa yeelay taas baa xal u gu dhow. Wixii kale ba waa dimasho bilaa micno ah.