Dadka yaraantoodii la geeyay Maraykanka oo ka cabsi qaba in la tarxiilo
Shirley Chung, waxay ahayd hal sano jir markii qoys Maraykan ah ay qateen sannadkii 1966.
Waxay ku dhalatay Kuuriyada Koonfureed, aabbaha dhalay wuxuu ka tirsanaa ciidammada Mareykanka, wuxuuna dib ugu laabtay dalkiisii isla markii Shirley dhalatay. Hooyadeed oo aan awoodin in ay xaaladda la tacaasho ayaa siisay qoys kale si ay u koriyaan kuwaas oo degganaa caasimadda Kuuriyada Koonfureed, Seoul.
“Wuu naga tagay, waa sida ugu wanaagsan ee aan u dhihi karo,” ayay tidhi Shirley oo hadda 61 jir ah.
Kaddib ku dhawaad hal sano, Shirley waxaa qaatey labo qof oo Mareykan ah, kuwaasi oo geeyey Texas, Maraykanka.
Shirley waxay ku barbaartay nolol la mid ah tan dhallinyarada badan ee Maraykanka. Waxay dhigatay iskuul, waxay qaadatay shatiga darawalnimada, waxayna ka shaqeysay dukaan.
“Waxaan la kulmay dhibaato la mid ah middii dhallinyaro badna oo Maraykanka ah ay mareen 80-meeyadii,” ayay tidhi Shirley.
Shirley way guursatay waxaanay dhashay carruur. Waxayna noqotay macallimad dadka barta qalabka muusikada. Nolosheedu waxay si caadi ah u socotay tobannaan sano iyada oo aan wax shaki ah laga qabin aqoonsigeeda Mareykanka.
Laakiin sannadkii 2012, waxa burburay wax wlaba oo haysatay.
Bbcsomali






