Ciidamo ka tirsan malatariga Somaliland oo danyar ahaa oo dhowr bilood deganaa dhul dan guudah oo ku yaala dhanka galbeed ee buuraha Naasohablood ayaa saaka waabarigii ay laba baabuur oo ay wateen rag dharcad ahi ay rasaas ku fureen aqaladii sandaqadaha ahaa ee ay ku jireen waxana goobtaasi ku dhintay hal askari xaga mid kalena ku dhaawacmay labadaas askari ee midna dhintay midna dhaawacmay ayaa ka soo jeeda deegaan ahaan bariga Hargaysa.

Markii arinkaasi dhacay ayaa xukuumadu ay goobtaasi gaysay ciidan boolis ah waxana goobtaasi ka dhacay iska hor imaad xoogan kadib markii ay ragii malatariga ahaa ay diideen in ay goobtaasi ka tagaan oo isu dhiibaan ciidanka boolliska sida ay wararku sheegayaan arinkaasi ciidankii mailatariga ahaa oo lagu qiyaasaayay ilaa 10 askari way diideen waxana goobtaasi ka billaabmay dagaal socday mudo lagu qiyaasay 3 saacadood waxana goobtaasi ku naf waayay 3 askari 2 ka dhintay ciidankii milatarriga iyo mid ka dhintay ciidanka Booliska, waxana la sheegayaa in dhaawac jiro, waxana aakhirkii goobtaasi ku guulaystay ciidanka booliska oo goobtii la wareegay 6 ka mid ahna gacanta ku dhigay waxana la bur buriyay aqaladii xagaasi uga dhisnaa ciidanka milatariga oo xagaa deganaa mudo dheer.

Ilaa hada ma cada khasaarahu inta uu leegyahay sidoo kale ilaa hada xukuumaddu kama ay hadllin wixii maanta dhacay iyo sidii ay ku billaamatay.

Dad cisbatalka booqday ayaa noo xaqiijiyayi in askarta dhimatay ay laba ka soo jeedaan deegaan ahaan bariga caasimada xaga xaga 1 ka mid ahna la noo xaqiijiyey in deegaan ahaan ka soo jeedaan koonfurta caasimada halka ciidanka booliska askariga ka dhintay uu ka soo jeedo bariga Burco.

Dhanka kalana dad shicib ah oo degan bariga caasimadda ayaa dhaliilay sida arinka maanta ay xukuumaddu u maaraysay, waxana la sugayaa waxacay xukuumaddu arinkani kaga jawaabto.
Wixii ka soo kordha wararka danbe ayaan idiinku soo gudbin doonaa.