Iiraan iyo Maraykanka ayaa si xawli ah ugu sii siqaya iska horimaad milatari iyadoo ay sii yaraanayso rajooyinka laga qabo xal dublamaasiyadeed oo laga gaaro ismari-waaga ka dhashay barnaamijka nukliyeerka ee Tehran, sida ay sheegayaan mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac iyo diblomaasiyiin ku sugan Khaliijka iyo Yurub.

Dalalka Khaliijka ee dariska la ah Iiraan iyo cadowgeeda Israa’iil ayaa hadda aaminsan in dagaalku uu ka dhow yahay heshiis, sida ay sheegayaan ilahan, iyadoo Washington ay dhisayso mid ka mid ah saameynteedii milatari ee ugu weynayd ee gobolka tan iyo duullaankii Ciraaq ee 2003-dii.

Xukuumadda Israa’iil ayaa aaminsan in Tehran iyo Washington ay marayaan meel adag, waxayna diyaargarow ugu jirtaa suurtogalnimada hawlgal milatari oo ay wada jiraan Maraykanka, inkastoo aan weli wax go’aan ah laga gaarin in la fulinayo hawlgalkaas iyo in kale, sida uu sheegay il xog-ogaal u ah qorshaynta.

Tani waxay noqonaysaa markii labaad oo Maraykanka iyo Israa’iil ay weeraraan Iiraan muddo ka yar sanad gudaheed, ka dib duqeymihii cirka ee Maraykanka iyo Israa’iil ay bishii Juun ee la soo dhaafay ku qaadeen xarumaha milatariga iyo kuwa nukliyeerka.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in dalalka Khaliijka ee soo saara saliidda ay u diyaar garoobayaan iska horimaad milatari oo suurtagal ah, kaas oo ay ka baqayaan inuu faraha ka baxo oo uu carqaladeeyo xasiloonida Bariga Dhexe.