Daryeeleyaasha Caafimaadka Saddex Gobol oo Tababar loo furay

Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa Haayadda Caafimaadka aduunka WHO ayaa maanta tababar u furtay daryeelayaasha Caafimaadka ee gobolada Marodi-jeex, Gabilay iyo Hawd.

Tababarkan oo ah mid shaqaalaha lagu tababarayo sidii ay u daba galilahaayeen cudurada faafa, isla markaana uga war hayn-lahaayeen Caafimaadka bulshada heer degmo,tuulo iyo xaafad ayaa socon doona mudo laba maalmood ah.

Furitaanka tababarkan ayaa waxaa goobjoog ahaa Isuduwayaasha Caafimaadka ee goboladda Maroodi-jeex, Gabilay iyo Hawd iyo sidoo kale Masuuliin sarsare oo ka socotay Haayadda Caafimaadka aduunka oo hirgelinta tababarkan kala shaqaynaysa Wasaaradda.

Isuduwayaasha iyo Masuuliyiinta Hay’adda WHO oo madasha furitaanka hadalo kala duwan ka jeediyay ayaa Shaqaalaha Caafimaadka ee tababarkan qaadanaya kula dardaarmay inay aqoonta ay qaadanayaan mudada uu tababarkani socdo dib ugu celiyaan xarumihii ay ka kala imaadeen.