Masar ayaa ciidamo u soo diraysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaas oo beddelaya hawlgalkii ATMIS ee Koonfurta Somalia, sidaas waxaa shaaciyay Midowga Afrika.

War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan. Waxaana dalalka kale ee Qaaradda loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaas oo ujeedkiisu ahaa in ka dib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.

Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dawladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada xoogga. Si hawlahaas loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday beesha calaamka in kor loo qaado taageeridda dawladda.

Dalalka Masar iyo Jabuuti ayaa dano gaar ah ka leh Somalia imaantinka ciidamo.Masaari ah oo yimaada Somalia waxa ay abuuri kartaa colaado hor leh iyada oo dawlada Masar ayna marnaba dhex ka noqon doonin arimaha Somalia.

Waxana dhici doonta dagaalo lagala hor yimaado Masar hadii ay ciidamo geeyaan meel ka baxsan halkii ay joogeen ciidamada ay beseli doonaan ee ATMIS