Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in dakhligii ka soo gali jiray qadka uu hoos u dhac ku yimid.

Kulan uu baarlamaanka dalkaas yeeshay shalay ayaa lagu lafa guray arrintaas, waxaana mudaneyaasha baarlamaanku ay xukuumadda ku weeydiiyeen su’aalo la xiriiray arrimaha dhaqaalaha, sida nolosha sii adkaanaysa, ganacsiga sharci darrada ah, sare u kaca ku yimid badeecada gudaha dalka ka timaada, sicir bararka iyo arrimo kale.

Wasiirka ganacsiga ee Itoobiya Kassahun Gofe oo su’aalahaas ka jawaabayey wuxuu sheegay in sababaha keenay hoos u dhaca dakhliga ay ugu waaweyn yihiin 3 arrimood oo kala ah sare u qaadidda dakhliga beeraleyda, xoojinta dhaqaalaha ka soo xarooda lacagaha qalaad, iyo sare u qaadidda canshuuraha ay gobolladu qaadaan.

Waxaa jira seddex arrimood oo muhiim ah oo qaadka ku taxalluqa, dawladda federaalka iyo dawlad goboleedkana ay isku af garteen. Midda ugu horreysa waa in qaadku uu muhiim u yahay nolosha beeraleyda, waxaana jirta baahi loo qabo in sare loo qaado dakhliga ay ka helaan. Tan labaad, oo ah walaaca ay qabto dawladda federaalka ayaa ah in qaadku yahay sheyga labaad ee Itoobiya ay dibadda u dhoofiso marka laga yimaado bunka. Taa darteed xukuumadda federaalka aad ayey u danaynaysaa in sare loo qaado dakhliga laga helo dibad u dhoofintiisa” ayuu yiri wasiirka ganacsiga ee Itoobiya

Kassahun wuxuu sheegay in Oktoobar 2022 ay ahayd xilli adag, waayo wuxuu sheegay inay sheegay inay ahayd markii dawlad goboleedyadu bilaabeen inay canshuuraan qaadka.

Wuxuu kaloo intaa ku daray in “go’aanka ay Soomaaliya ku gaartay inay soo waariddo qaad jaban oo Kenya ka yimaada uu saamayn taban ku yeeshay dakhligii dibad wax u dhoofinta ee Itoobiya”.

Wasiirka ayaa wuxuu qiray inay jiraan ilaa 283 isbaaro oo dalka yaalla, taana saamayn ay ku yeelatay dakhligii laga heli jiray qaadka.

Meelaha ugu badan ee qaadka Itoobiya loo iibgeeyo, lagana cuno waxaa ugu horreysa Somaliland. Arrinta uu wasiirka ganacsiga ee Itoobiya ka hadlay waxaa dhanka kalena laga dareemay Somaliland oo sida uu BBC u sheegay Khaalid Cabdi Nuur oo ah cilmi baare iyo macallin dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Hargaysa.

“Si guud, waa laga dareemay waayo markii dalabku bato, caddadka la helayana uu yaraado qimaha ayaa sare u kaca, markaa wuu sii qaaliyoobay qaadku” ayuu yiri.

Dhanka kalena sannadihii u dambeeyey wuxuu sheegay in qaadkii kastamada Somaliland ka soo gali jiray uu hoos u dhaco 20%, taana ay saamayn ku yeelato miisaaniyadda Somaliland, gaar ahaan sannadkii hore.

Qaad

Iyadoo la tixraacayo hadalka wasiirka ganacsiga ee Itoobiya, ayaa Khaalid wuxuu sheegay in isbaarooyinka uu wasiirku sheegay ee gudaha Itoobiya ay keeneen in ay abuurmaan wadooyin qarda jeex ah oo dhulka hawdka ah mara oo qaad walayaashu ay qaadka soo mariyaan, sidaana ay Somaliland ku soo galiyaan.

“Arrintaa Somaliland way saamaysay, waayo waxaa soo baxay qaad aan kastamada soo marin oo koontarobaan ahaan ku soo gala, aad ayuuna u soo batay. Tusaale ahaan, waxaan arkay qaad joogay lacag u dhiganta 8 doollar oo beryo dhawayd, in yar ka hor xilligii doorashada la kala siisanayey 4 doollar” ayuu sheegay Khaalid Cabdi Nuur.

Meelaha ugu badan ee uu qaadkaas ka soo galo ayuu Khaalid ku tilmaamay dhanka Balli gubadle oo Hargeysa koofur kaga began, ayadoo dhanka Burcana uu ka soo galo Balli dhiig oo ilaa 200Km koofur ka xigta Burco.

Xukuumadda Somaliland oo aan la xiriirnay nooma suurto gelin in aan jawaab ka helno.

Lacag xoog leh ayaa lagu soo iibiyaa qaadka hareeriga oo si maalinle ah u soo gala deegaanada Somaliland, kaasoo ka yimaada gobolka Oromada ee Itoobiya. “Warbixintii ugu dambaysay ee ay shaacisay dawladda waxay ku sheegtay in sanadkii lacag ilaa 180 malyan oo dollar ah ay ku baxdo qaadka la keeno Somaliland ee ka yimaada Itoobiya, halka maalintiina qaadka Itoobiya looga soo iibiyo ilaa $500,000” ayuu yiri Khaalid