DAWLADDA S/LAND WAXA DAGAAL DIBLOMASIYADEED KULA JIRTA CHINA OO KA DANBAYSAY CULAYSKII KENYA.

Sida laga warqabo dawladda shiinuhu waxay dawladda Kenya gashatay maalgashi dhan & 1 billion iyadaa culays ku saartay Kenya inaanay soo dhaweyn madaxweynaha S/land iyadoo ka daba socota cilaaqaadka aynu la leenay Taiwan iyo xidhiidhkeenna oo xumaa waqti dheer.

Dawladda Kenya xasan shiikh waxba iskagama tiriso ee waxa culays saaray shiinaha oo ay Saaxiib dhow yihiin.

Kenya waxa iyana culays kale saaray saaxiibadii s. Land iyo dadkii reer s. Land ee reer Kenya taas oo ay kaga noqotay go’aankii hore ee ay ku qancinaysay shiinaha SIdeedaba carqaladuhu way jireen waanay jiri doonaan ee waa in mucaarid iyo muxaafid loo midoobo taageerada aqoonsi raadiska.

Aqoonyahanka s/Land ee qurbaha joogaa waa inay fadhiga ka kacaan oo ay dawladda shiinaha ku cambaareeyaan farogelinta ay ku hayso qaranka s/Land.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.