Dawladda UK oo Digniin Amni oo ay soo Saartay Kaga Hadashay Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan 29 dal oo ay sheegtay inay halis amni kala kulmi karaan, sababo la xidhiidha qaraxyo argagixiso iyo xasarado kale oo ka oogan dalalkaas dartood.

Xafiiska Arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa digniin uu soo saaray, wuxuu ku sheegay in aanay u safrin dalalkaas oo ay ka mid yihiin Maali, Liibiya, Niger, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Waqooyiga Itoobiya iyo Soomaaliya.

Digniinta ay soo saartay dawladda Ingiriiska, waxay muwaadiniinteeda uga digtay inay u socdaalaan Soomaaliya oo dhan, hase ahaatee waxay intaas ku dartay inay booqan karaan Somaliland, gaar ahaan saddexda gobol ee galbeedka oo ay uga jeedaan Saaxil, Maroodijeex iyo Awdal.

Somaliland kama jirto cabsi amni oo laga wabiyaa, waxana ay dawladda Ingiriisku si gaar ah farta ugu fiiqday in wixii daruuri ah ay muwaadiniinteedu u tagi karaan Somaliland.