Ciidamada Maamulka Puntland iyo maleeshiyaad hubaysan oo taageersan shirka Laascaanood ka socda, ayaa la sheegay inuu dagaal ku dhexmaray magaalaada Dhahar, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn Khasaaraha uu sababay dagaalkaasi.

Masuuliyiinta Puntland ee Magaalada Dhahar ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Puntland ay si buuxda ula Wareegeen Magaaladaas.

Waxaana Masuuliyiinta u hadlay Puntland ay ku eedeyeen dagaalkaasi Xukuumada Soomaaliya