Kourtney Kardashian ayaa uga mahadcelisay dhakhaatiirta “badbaadinta nolosha ilmahayga” iyaga oo qaliin ku sameeyay canuggeeda uurka ku jira ee aan weli dhalan.

Jilaayaddan ku caana taxanayaasha laga metelo nolosha dhabta ah oo jirta da’aadda 44, ayaa sheegtay in loola cararay “qaliin degdeg ah ilmaheed uurkujirka ah”, kaas oo dhakhaatiirta qalliinka ay ku qaleen uurka gudihiisa, isla mar ahaantaana halkaas ku badbaadiyeen.

Toddobaadkii hore, ninkeeda Travis Barker ayaa soo gaabiyey safarkiisii kooxda Blink-182 isla mar ahaantaana ku soo noqday gurigiisa, sababo la xidhiidha “arrin qoys oo degdeg ah” sida uu hore u sheegay.

Ma uusan bixin wax tafaasiil ah wakhtigaas, laakiin ayuu baahiyey sababtii taas la mid xaalka ay baahisay xaaskiisu “Waxaan u duulay oo soo aad gurigaygii, halkaas oo qalliin degdeg ah oo nafta halis gelinayaloo sameeyay ilmaheena taas oo aan aad ugu mahadcelinayo si fiican. Waxaan rabaa inaan idin dhaho waad ku mahadsan tihiin dhammaan taageerada aad noo fidiseen.”

Lamaanahan ayaan daaha ka qaadin nooca qaliin ee lagu sameeyay wiilka yar, waxaa se la hub in isaguu weli uurka ku jira lagu sameeyey qalliilankaas laguna guulaystay.

Fariinteeda Instagram-ka, Kourtney waxay ku soo qortay: “Weligay waxaan u mahadcelin doonaa dhakhaatiirteyda cajiibka ah ee badbaadiyay nolosha cunugeena.”

“Waxaan si weligeed ah ugu mahadcelinayaa ninkeyga oo u soo dedegay si uu usoo istaago dhinaceyga xilliga isbitaalka oo uu i daryeelo “

Waxay ku dartay: “Uma maleynayo in qof kasta oo aan soo marin xaalad la mid ah tan uu dareemo karo dareemmada ay leedahay cabsidu”

“Waxaan faham iyo ixtiraam cusub u hayaa hooyooyinka, kuwaas oo ku qasbanaaday in ay u dagaalamaan ilmahooda xilliga ay uurkooda leeyihiin.

Isbeddelka xawaaraha leeh ee aqoonta iyo tignooljiyadduba ku socoto ayaa sahlay in dhakhaatiirtu ay qalliin ku soo sameeyaan qof aan weli dahlin.

Habkan oo loo yaqaaan fetoscopy si ay u qalaan ilmaha aan dhalan, ayaa xilliiyadii ugu horreysay eel aga sameeyo UK ay ahayd 2019.