Taageerada xisbiga WADDANI ee Gobollada dalka oo Xawli ku socota

Hargeysa(Qaran news)-Waxa isa soo taraya taageerada shacbiga ee gobollada dalku u muujinayaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Sidoo kale waxa sii xoogaystay siyaasiyiinta ku biiraya xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaameen inuu yahay xisbiga rajada shacbiga.

Sidoo kalena dhallinyarada gobollada ayaa koox koox ugu biirayay muddooyinkii u dambeeyay ku biirayay xisbiga WADDANI. waxana u dambeeyay dhallinyaro reer Awdal ah oo taageero mug iyo miisaan leh u fidiyay xisbigaas oo ay sheegeen inay cuddudooda ku biirinayaan.

Waxa arrintani ku soo beegantay xilli xisbigu isku diyaarinayo doorashads madaxtooyada iyo ta ururrada siyaasadda oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto 13ka November 2024ka.

Waxa maanta si toos ah xisbiga Waddani ugu biiray dhalinyaro badan oo ka mid ah dhalinyarada gobolka Awdal oo hore uga tirsanaan jiray xisbi xaakimka Kulmiye.