Hargeysa,(Qaran news)- Dhamaan xubnihii golaha deegaanka ee degmadda Salaxlay ayaa ku biiray xisbiga ugu balaadhan xisbiyada qaranaka Somaliland ee Waddani.
Waxana soo badanaaya xildhibaanada golayaasha deegaanka ee dalka oo ku biiraaya xisbiga rajada Somaliland ee Waddani, ma aha markiibu horaysay ee xildhibaano noocani oo kale ahi ay ku biiraan Waddani hase ahaatee waxa sidani oo kale ugu biiray golayaasha deegaanada ee Gabiilay iyo Oodweyne.
Dhanka kalena musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo arinta golaha deegaanks Salaxlay ee ku soo biiray Waddani ka war bixiyay waxa uu yidhi.
Waxa aan gacmo furan, niyadsan iyo wada-shaqeyn rasmi ah ku soo dhaweynaynaa dhammaan 7da xubnood ee katirsan Golaha deegaanka ee degmada Sallaxley oo si buuxda u taageeray isla markaana qaatay goโaanka ah in ay qeyb ka noqdaan isbeddelka dalkan ka dhacaya ee uu hoggaaminayo Xisbiga rejada Shacabka ah ee WADDANI.
Sallaxley waa WADDANI, muhmal iyo caad toonna ma saarna. Dadka reer Somaliland oo dhan baa WADDANI isugo iman doona & isbeddelkaba.