DHAQANKA IYO DIPLOMASIYADDA MAXEY WADAGAAN? SU’AAL KA DHALATEY SHIRKA

Shirwaynahii dhaqanka ee JSL ee ey soo qaban qaabisey Wasaaradda warfaafinta iyo Hidaha iyo dhaqanka ee Somaliland

■ Su’aal Wasiirku iga weydiiyey oo aheyd.

Dhaqanka iyo diplomasiyaddu maxey wadagaan?

Shacabkeena qaarkood ma fahamsana ee u bayaami. Isagoo rabey in bulshadeenu fahamto dhaqankeena ilaalintiisu in aaney ku koobneyn dalka gudahiisa qudha.

■ Kelmaddo kooban ayaan ku soo koobey.

Runtii diplomasiyadda iyo dhaqanku waa sumadda safiiraddu ku metelaan dalkooda. Waana xirfadd ey isticmalaan diplomasiyiinta caalamku si ey dalkooda iyo key joogaan uga dhex abuuraan isdhexgal bulsho oo dhaqan dhaqaale.

Waxana jira qeyb safaradd walba ka tirsan oo uu maamulo. (Cultural attache). Madaxa waaxdda dhaqanka ee safaradda. Waxeyna la wadagaan dalkey joogaan dhaqanka dalkey metelaan.

Waxana safaraddaha waaweyni sameyaan kulamo dhaqan ey la wadagaayaan bulshadda dalkey joogaan si ey u baraan dhaqanka dalkoodda ey metelaan.

Waxeyna la wadagaan bandhigyo lagu sharaxayo dhaqanka dalkooda. Mararka qaarkood waxey soo casumaan bahda dhaqanka sidda fananniinta, Jilayaasha iyo suuganyahanka dalkooda oo ey qabtaan masraxyo ey ku bandhigaan dhaqanka iyo hidaha iyo suugaanka dalkey meteelaan.

Waxeyna abuurta kulamo is weydaarsi dhaqan oo labadda waddan is dhaafsadaan oo sanadle ah.

Nuxurkuna waxa weeye in labadda dal wadagaan dhaqan is weydaarsi iyo dalxiis kaaso abuura ganacsi iyo isdhexgal bulsho oo labadda dal ah

Balse inagu hadeer awooda safaradaheenu ma leh sababtuna waa dhaqaalenaha oo yar oo aan la awoodin in miisaaniyadd loo sameeyo ey wakiiladdeenu ku qaban karaan munaasibaddo balaadhan ey ku soo bandhigi karaan waddama ey joogaan.

Waana rajeynayaa ineynu heerka dowladaha waaweyn gaadhi doono ee dhaqalaha leh oo safaradaheenu mid walba ey ka shasheyn doonaan aqoonyahan kala duwan oo dalkeena dhinaca walba meteli kara. Hadey dhaqan tahey iyo IWM.

Balse dalalka waaweyn ee la aqoonsan yahey wey sameyaan. Masraxyo ey ku bixiyaan dhaqaale badan oo ku saabsan dhaqanka dalkooda si ey caalamka u baraan uguna soo jiitaan dadyow kala duwan.

Markaa dhaqanku waa qeyb ka midda oo mihiima diplomasiyadda, kuna sidkan sidiii dalalka caalamku isugu soo dhoweyn lahaayeen shacabkooda una abuuri lahayeen is dhexgal bulsho iyo ganacsi dhinacyo badan ah oo labadda dal is dhaafsan karaan.

Dhinaca kale dhaqanku wuxu ka qeyb qaata habmaamuuska iyo soo dhoweynta diplomasoyiinta oo lagu sharfo, Ashayaa iyo astaamo dhaqan oo lagu maamuso laguna sharfto.

Marka diplomasiyiintu dalka yimaadaan iyo marka la bedelo ey dalkooda u dhoofayaan.

Kelmadeydii Shirkii weynahii dhaqanka JSL
Ee Wasaradda dhaqanka iyo Hidaha
Soo qaban qaabisey. 22-23 April 2025

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari