Diblomaasiyaddii Soomaaliya ma waxay isu beddeshay dhaxal qoys

Fahiima Cali Cumar, oo uu dhalay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad. ayaa loo magacaabay Xoghayaha Koowaad (First Secretary) ee Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay ee New York.

Magacaabistan ayaa dhalisay dood ku saabsan habka loo mareeyo shaqaalaha diblomaasiyadda Soomaaliya, iyadoo dad badan ay aaminsan yihiin in magacaabistaasi ku saleysan tahay eex iyo qaraabo-kiil.

Sida ku cad xogta la heli karo, Fahiima Cali Cumar ma laha taariikh hore oo shaqo dowladeed ama waayo-aragnimo diblomaasiyadeed oo si rasmi ah Taas ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan shuruudaha iyo habraaca loo maray magacaabistan, maadaama xilalka noocan oo kale ah ay caadiyan u baahan yihiin khibrad, aqoon iyo hannaan shaqaaleysiin oo hufan.