Saaka subaxdii hore, diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Flydubai, oo ka soo duuli lahayd garoonka Dubai, ayaa cillad ku timid darteed joojisay kicitaankii ay duuli lahayd (Aborted take off).

Joojinta ama ka noqoshada uu duuliyuhu ka noqonayo in uu diyaarada kiciyo, haddii uu cillad arko ama ka shakiyo, waa arrin sax ah oo dhamaan duuliyeyaasha lagu tababaro. Laakiin waa marka xawaaraha diyaaradu aanuu dhaafin V1. Haddii uu halkaa gaadho waxa khasab ah in diyaaradu kacdo cillad kasta oo jirta.

Diyaaradan oo u soo socotay magaalada Hargeisa, duulimaad numberkeeduna ahaa FZ661, ayaa runwayga muddo taagnayd oo xanibtay taas oo keentay in 14 duulimaad loo xawilo Almaktum Airport oo ah garoonka wayn ee Dubai yeelan doonto dhawaan.

Duuliyeyaashii, Rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaraduba si nabadgelyo ah ayey uga dageen diyaarada. Alxamdullillah.
Saacado kooban ka bacdi, Dadkii rakaabka ahaa waxa lagu soo qaaday diyaarad kale oo ay isla shirkadu leedahay.

Cabdikarim Cali Baarjeex