#Diyaarad Berbera Soo Caga-dhigatay oo lacag Malaayiin Doolar ah iyo Dahab lagu qabtay dalka Zambia

Diyaarad soo caga-dhigatay Garoonka Berbera oo siday wafti ka qaybgalayay xaflada dhagax dhiga haamaha cusub ee ay Trifagura maalgalinayso ee MW Biixi dhagax dhigay ayaa dalka Zambia diyaaradii ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Lusaka ee la yidhaa Keneth Kaunde l(KKIA) halkaas oo Hay’adda la dagaalanka mukhaadaraadka iyo Koontarabaanka ee dalkaasi ay baadhis ku sameeyeen kadib markii ay war hoose ku heleen waxyaabaha saaran oo ay ugu muhiimsan tahay lacag kaash doollar ah oo dhan $5,600,000 , dahab dhan 127 kg oo lacag ahaan noqonaya ilaa $6 milyan oo doolar, 7 baaskaloodood iyo xoogaa raasaas ah.

Sida ka muuqata Jadwalka duulimaadka, diyaaradu waxay ka soo ambaxday iskuna martay Geneva(Swiss) -Addis Ababa (Ethiopia)-Berbera(Somaliland). Addisa-Lusaka (Zambia) mudadadii u dhaxaysay 8 -14 augosto 2024.

Arinkan ayaa noqday fadeexad wayn oo ay warinayaan 24-kii saac ee u dambeeyay dhamaan warbaahinta dalka Zambia. Suaalaha waawayn ee jawaabta u baahan ee ka dhalanaya dhacdadan ayaa ah :

1.Yaa lahaa lacagta iyo dahabka?
2.Ma Berbera ayaa laga saaray alaabtaa iyada ah diyaarada mise meel kale?
3.Maxay tani uga dhigan tahay shirkada aan wali heshiiskeeda la horgayn Golaha Wakiilada dhowrka sano ee Trifagura oo ah mid aan sumcad fiican ku lahayn dunida ee la yidhi 50milyan bay gelinaysaa Haamo cusub ?
4.Warbaahinta Somaliland ma ka war haysaa arinka?
5. Maxaa damaanad ah in dahabkii iyo lacagti cashuueta eei dalkan aan musuq, maydhaamid iyo is madmadow lagu lunsan?
6. Iyo Su’aale kale?

Waxaanu ugu baaqaynaa Hay’adaha ay khusayso arintani iney baadhaan oo jawaab waafi ka siiyaan shacabka Somaliland su’aalaha badan ee ka dhalanaya dhacdadan.

Allaa Mahad leh,
Xamse C. Khayre
Xisbiga Waddani
Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska