
Booliska ayaa sheegay in garoon diyaaradeed oo ku yaalla Jarmalka laga helay diyaarad yar oo aan duuliye lahayn oo sidday walaxaha qarxa.
Sida uu sheegay booliska gobolka Saxony, waxaa la adeegsaday robot lagu baaro walxaha qarxa kaddib markii shaqaale ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Leipzig/Halle uu habeenkii arkay qalabkaas oo yaallay meel u dhow diyaaradaha xamuulka qaada ee Ukraine.
Waxaa kale oo la sheegay in walax labaad oo aan weli la aqoonsan ay ku dhacday diyaarad xamuul oo ku dhow isla garoonkaas. Diyaaraddaasi waxay ku degtay magaalada Hanover iyadoo uu soo gaaray dhaawac fudud.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jarmalka ayaa sheegay in dhacdooyinkani ay muujinayaan “heer cusub oo khatar ah.”
Garoomada diyaaradaha ee Jarmalka ayaa galay feejignaan sare kaddib markii bilihii la soo dhaafay ay dhaceen duullimaadyo badan oo aan la oggolayn oo ay sameeyeen diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo lagu arkay saldhigyo ciidan, garoomo diyaaradeed, xarumo tamareed, dekedo iyo shirkado saadka qaada.
Booliska ayaa ka digay in ay suuragal tahay in Ruushku ku lug leeyahay arrimahan, hase yeeshee Moscow way beenisay eeddaas.Garoonka Leipzig/Halle, oo ku yaalla bariga Jarmalka, waxaa isticmaala ciidanka Jarmalka iyo xulafada NATO si loogu qaado qalabka milatariga.
Waxa kale oo uu saldhig u yahay shirkadda diyaaradaha ee Ukraine ee Antonov Airlines, oo qaadda inta badan xamuulka dalkaas.
Garoonkan sidoo kale waa xarun muhiim u ah shirkadda caalamiga ah ee saadka qaadda ee DHL.
Afhayeen u hadlay booliska ayaa u sheegay BBC in qalabka qaraxa watay laga helay meel u dhow diyaaradaha Antonov ee taagnaa.
Boolisku waxay marka hore ka saareen qalabkii qarxinta, dabadeedna waxay sameeyeen qarxin la xakameeyey si qalabka loo burburiyo si ammaan ah.
Duullimaadyada laga isticmaalo dhabaha waqooyi ee garoonka ayaa dib u billowday saacaddu markay ahayd 01:55, halka dhabaha koonfureed uu weli xiran yahay.





