Diyaaraddii siday maydka Raila Odinga oo noqotay tan ugu badan caalamka ee dhaqdhaqaaqeeda lala socday.

Diyaaradii siday maydka Raila Odinga ee ka timid dalka Hindiya ayaa noqotay tii ugu badnayd ee la daawanayay marinada hawada ee caalamka ee ay dhex socotay iyada oo la adeegsanayo mareegta Flightradar24.

Wax yar ka dib markii ay ka kacday 6:30 galabnimo garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee Nairobi, Kenya Airways Duulimaadka KQA202 ee ku jeeday Mumbai ayaa ahayd tii labaad ee loogu daawashada badnaa caalamka.

Saqdii dhexe, waxa ay noqotay tan ugu badan ee la daawanayay adduunka oo dhan, iyadoo in ka badan 7,000 oo qof ay daawanayeen.

Duulimaadka ayaa Mumbai gaaray abaaro 1-dii subaxnimo ee Khamiista, xilliga Bariga Afrika, waxayna u ambabaxday Nairobi abbaare 3:30 subaxnimo.