Doorashada Puntland oo weji cusub yeelatay kadib go’aan ka soo baxay baarlamaanka
Iyadoo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu xalay wax ka bedelay go’aankiisa ku aaddanaa hannaanka doorashada Puntland ee qof iyo cod, ayaa baarlamaanka Puntland maanta u codeeyay inay muddo sanad ah sii joogaan, intaa kadibna iyaga ay soo doortaan madaxweynaha iyo ku xiigeenkiisa.
Baarlamaanka ayaa u muuqda inuu taageeray go’aankii shalay ka soo baxay isimada dhaqanka ee ka socday SSC khaatumo, kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Garoowe, halkaasna u joogay inay xal u helaan khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa maamulkaas.
Isimada ayaa go’aanadooda ku sheegay in xildhibaanada hadda jooga ay iyagu muddo sanad ah kadib soo doortaan madaxweynaha iyo ku xiigeenkiisa.