Warbaahinta Pan African Visions ayaa ku tilmaantay magacaabista safiirka Israa’iil ee Jamhuuriyadda Somaliland, Michael Lotem, inay tahay tallaabo ka weyn is-weydaarsi diblomaasiyadeed oo caadi ah, isla markaana ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid dheelitirka awoodda Geeska Afrika iyo bilawga iskaashi istiraatiijiyadeed. Taas oo ah fursad muhiim u ah horumarka labada dal, gaar ahaan xoojinta xidhiidhka diblumaasiyadeed.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in tallaabadani ay tahay horumar muuqda oo Somaliland ku xaqiijisay horumar diblomaasiyadeed dhab ah, kadib muddo ka badan soddon sano oo ay ku jirtay halgan aqoonsi raadin ah. Iyada oo Safiirka cusub ee Israa’iil, Michael Lotem, uu yahay safiir ruug caddaa ah oo leh waajibaad cad oo la xidhiidha in aqoonsiga siyaasadeed ee Somaliland loo beddelo faa’iidooyin dhab ah oo ku saabsan madax-bannaanida iyo adkeysiga dalka.
“Danjiraha Israa’iil, Michael Lotem, wuxuu leeyahay doorkiisa muhiimka ah oo xasaasi ah: isagoo dardargelinaya iskaashiga dhaqaale iyo horumarinta dadweynaha iyadoo si taxadar leh loo maareynayo arrimaha amniga si looga fogaado xasarado dheeraad ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta Pan African Visions.
Sidoo kale, warbixintu waxay intaas ku dartay: “Somaliland waxay heshay fursad sare iyo cutub cusub oo ku aaddan xaqiijinta sharciyeynta caalamiga ah, iyadoo gacanta ku haysa nidaam dimuqraadiyadeed iyo xasillooni siyaasadeed. Iskaashiga cusub ee la sameynayo wuxuu gacan ka geysan karaa dhismaha awoodda hay’adaha iyo maamulka dawladda, iyadoo la siinayo tababaro iyo taageero ku saabsan amniga internetka, caafimaadka dadweynaha, iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.”
Sidoo klae warbixintu waxay iftiimisay in magacaabista safiirka Israa’iil ee Somaliland uu calaamad u yahay buundo muhiim ah oo u dhaxaysa diblomaasiyadda calaamadaha ah iyo baahiyaha dhabta ah ee dhismaha qaranka. “Natiijooyinka la doonayo waxaa ka mid ah: horumarinta biyaha, wax-soo-saarka Berbera, iyo dhismaha hay’adaha dawladda oo xoog iyo adkaysi leh,’ ayaa lagu soo gabagaeeyay warbixinta Pan African Visions.
Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in kobcinta wax soo saarka beeraha Somaliland ay udub-dhexaad u tahay yareynta ku tiirsanaanta Somaliland ee soo dejinta alaabada. Waxaanay xustay “Iskaashiga safiirka Israa’iil wuxuu albaab cusub u furayaa heshiisyo rasmi ah oo labada dowladood ka wada shaqeynayaan, gaar ahaan dhinaca tiknoolajiyada beeraha. Khibradda Israa’iil ee beeraha dhulka qalalan, gaar ahaan beerista dalagyada deegaannada adag ee biyuhu ku yaryihiin, taas oo ah mid si wanaagsan ugu habboon xaaladaha deegaanka ee Somaliland.”
Warbixintu waxa kale oo ay intaasi ku dartay “Iskaashigani wuxuu si degdeg ah u horseedi karaa soo bandhigidda farsamooyin cusub sida abuurka cimilada u adkeysan kara, iyo tiknoolajiyada aqalka dhirta lagu koriyo. Hindisayaasha noocan oo kale ah maaha oo kaliya farsamooyinka cusub ee lagu tijaabinayo dalagyada beeraha, laakiin sidoo kale waxay leedahay qiimo astaan leh, taasoo u tilmaamaysa muwaadiniinta in xidhiidhkan cusub uu keenayo horumarin muuqata oo ku saabsan hab-nololeedka iyo isku filnaashaha cuntada.”
Ahmed Saleebaan





