Dr Hooyo Adna Adan waxa ay inga mudantahay sharaf iyo karaamo, gidigeen mucaarid iyo muxaafidba Adni waxa ay inagu leedahay Abaal haday noqoto kor u qaadista qaranimadda Somaliland iyo u shaqaynta dadka danyarta ah.

Adna waxa aynu ku xasuusan karnaa ka qayb qaadashada hawlaha caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka iyo guud ahaan caafimaadka oo dhan iyo sidoo kale wabarashada iyada oo ilaa heer jaamacadeed gaadhsiisay caruurteena ha u badnaadaan xaga caafimaadka.

Hadaba dadka maanta gidaaradaasi ka maagaaya Hooyo Adna Adan waa dad maan gaab ah oo aan wax isku falaynin dadkan hada daba socdaana waa hadhaagii Kulmiye ee guul daraystay iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay isku dhuftaan hooyo Adna iyo xukuumadda cusub, taasi oo aan marnba suurto galaynin.

Adna boqolaalaka sano ee soo socda waxa ay ku suntanaan doo taa taariikhdeena, waxa ay mar walba u taagantahay difaacida qaranka Somaliland oo aan mar kasta ku garab taaganahay