Dubaar waa goob filwayn oo toos u tilmaamaysa xadaaraddii Berbera kajirtay qarniyo hore, biyaha ka yimaadda Dubaar iyo qaabka loogu sameeyay isha ay soo maraan qarniyo hore ayaa iyana yaab kale ah. Warbixintii uu qoray Cruttenden 1848 (Memoir on the Western or Edoor Tribes) wuxu si wacan u sifayna isha biyaha Dubaar iyo dhisme ku yaallay goobta, waxa aanu tilmaamaya, ishan in ay aad u filwayn tahay iyo dhisme goobta ku yaallaba. Sidaa ayuu isna ku sifeeyay Guillian 1848.

Taariikhda sidaa u jirtay ayaa la baddalay oo laga dhigay in ay Masaaridii-Turkidu dhiseen goobta, ishana iyagu jeexeen. Hadda doorka ay ku lahaayeen waa cusboonaysiin.

2015 waxa dalka yimi koox Ibaanish ah oo aan aqoon u lahayn taariikhda mandaqadda, sida ku cad maqaalkoodii koowaad ee ay qoreen. Goobta Dubaar waxay si cad ugu qoreen warbixintoodii (Report on Archaeological Work in Somaliland – June 2015), Dubaar in ay tahay qalcad ay dhiseen Masaaridii-Cismaaniyiinta intii danbe ee qarnigii 19 aad. Isha iyo dhismaha uu Cruttenden mid filwayn oo wakhtiyo hore jirtay ku tilmaamay bartamihii qarnigii 19 aad, ayay iyagu dhamaadkii qarnigii 19 ku sheegeen, miyaanay gaf ku ahayn taariikhda mandaqadda?

Taariikh Iyo Aasaar