Duqa Caasimada oo la Kulmay Maamuleyaasha Dugsiyada Hargeysa
Hargeysa(Qaran news)-Duqa Caasimadda Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa maanta kulan la yeeshay maamulayaasha Dugsiyada H/Dhexe ee Caasimadda Hargaysa.
Kulankan oo ujeeddadiisu daarranayd dardar-galinta iyo kor u qaaddida shaqada ay bulshada u hayaan Maamulayaashu iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka Caasimadda ka socda ayaa waxa iyaguna goob joog ahaa Guddoomiyaha waxbarashada Degmada Hargaysa Marwo Aamina Cassayr, Agaasimaha Arrimaha bulshada iyo madaxa Xafiiska Waxbarashada Dawladda Hoose ee Hargaysa.
Maayirka Caasimadda Cabdikariim Axmed Mooge ayaa talooyin iyo tusaalayaal ka dhagaystay qaar ka mid ah maamulayaasha, ugu dambaynna Duqa Caasimaddu waxa uu u mahad celiyey maamulayaasha iyo macalimiinta Caasimadda ka hawl gala, waxaana uu kula dardaarmay bahda waxbarashada, in ay halgankooda halkaa kasii wadaan, shaqadoodana ay daacad u noqdaan oo ay barbaarinta ubadku xil wayn iska saaraan, iyagoo dhanka kalena horumarka ka socda Caasimadda ay qaybtooda ka qaataan.