Duqeymo hor leh oo ku socda Dehraan

Goobjoogeyaal ayaa BBC-da Qeybteyda Persia u sheegay in ay maqlayaan jug wayn oo ka dhacaysa galbeed magaalada Dehraan.

Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in weriyayaasheedu maqleen “qaraxyo cusub oo isdaba-joog ah”. Sidoo kale, wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan, Islamic Republic News Agency (IRNA), ayaa iyaduna soo tebisay gantaalo cusub kusoo dhacayaan caasimadda Iiraan.

inkasta oo aan la ogeyn halka ay ka imanayaan iyo cidda soo ridaysa, hadana goor sii horreysay ciidanka cirka Israa’iil ayaa qoraal ku daabacayn bartooda X, ku sheegay inay “bilaabeen weerar kale oo cirka ah ayna beegsanayaan goobaha laga rido gantaallada iyo nidaamyada difaaca ee bartamaha Iiraan.”