Eritrea waxay ku eedeysay dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy inay “raadinayso cudurdaar ay dagaal ku bilowdo” ka dib markii booliska Federaalka Itoobiya ay sheegeen inay qabteen kumanaan rasaas ah oo ka timid Eritrea kuna socday kooxo dagaal oo ka hawl gala gobolka Amxaarada.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yaman Gebre Meskel, ayaa ka jawaabay eedeymaha Itoobiya ee wakaaladda wararka Reuters, isagoo sheegay in dowladda Barwaaqo ay raadinayso cudurdaar ay ku bilowdo dagaal ka dhan ah Eritrea.

“Dawladda Barwaaqo waxay u lulaysaa calan been abuur ah oo laba sano jir ah oo ah shirqool lagu bilaabayo dagaalka,” ayuu yiri.

Booliska Federaalka Itoobiya, bayaan ay soo saareen Arbacadii, ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea inay siiso hub iyo rasaas noocyo kala duwan leh kooxaha Fano ee ka hawl gala gobolka Amxaarada.

Booliska Federaalka, bayaan ay soo saareen 6-dii Janaayo 2018, taariikhda Itoobiya ayey ku dhawaaqay inay qabteen in ka badan 56,000 xabbo oo rasaas ah.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Eritrea waxay beenisay eedeyntan ay soo jeedisay dowladda Itoobiya, iyadoo ku tilmaantay eedeyn been abuur ah oo loogu talagalay in dagaal lagu bilaabo.

Isagoo ka jawaabaya eedeymaha Booliska Federaalka, Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa sheegay in Itoobiya ay raadinayso cudurdaar ay ku qaaddo weerar.

Booliska Federaalka ayaa ku eedeeyay in hubka ay qabteen ay soo dirtay dowladda Eritrea iyada oo sii maraysa TPLF-da Tigray, “iyadoo la kaashanaysa kooxo dambiilayaal gudaha Itoobiya ah iyo cadowo taariikhi ah.”

Bbcsomali