Faahfaahino ka soo kordhay Qarax haddiyad ahaan loo adeegsaday oo ka dhacay Ruushka

Goobta uu ku qaraxa ka dhacay

Qarax ka dhacay maqaaxi lagu shaaho magaalada St Petersburg ayaa waxaa ku dhintay Vladlen Tatarsky oo ahaa nin caan ah oo wax ku qora Online-ka kana tirsanaa militariga Ruushka, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha gudaha ee Ruushka.

Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay ugu yaraan 25 qof.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qaraxa iyo dad dhaawac ah oo maraya wadada. ma kala cadda cidda ka dambeysay qaraxa.

Vladlen Tatarsky (magaciisa dhabta ah uu yahay Maxim Fomin) wuxuu ahaa nin si weyn u taageerayya dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xilliggii uu qaraxa dhacayay, Vladlen Tatarsky wuxuu marti ka ahaa munaasabad ka socotay maqaaxida.

Waxaa jira warar kala duwan oo ka soo baxaya warbaahinta Ruushka oo ku saabsan qarax. warbaahinta Ruushka oo soo xiganeyso ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegayaa in taallo yar oo ku jirtay kartoon oo lagu soo qariyay bambo haddiyaad ahaan loogu guddoonsiyay Mr. Vladlen Tatarsky xilli uu ka qeybgalayay xafladda.

Muuqaal sidoo kale lagu baahiyay barta Telegramka ayaa muujinayay kartoon lagu soo qariyay bambada oo si kaftan ah loogu dhiibayo ninka hase ahaatee, BBC-da ma xaqiijin karto in waxlahaas uu qaraxa ahaa.

Vladlen Tatarsky
Vladlen Tatarsky

Tatarsky wuxuu mar kasoo warrami jiray jiidda hore ee dagaalka Ukraine, wuxuu si weyn usoo caan baxay sanadkii lasoo dhaafay markii uu muuqaal ka soo duubay gudaha aqalka looga arrimiyo Kremlin-ka , wuxuuna xilliggaas yiri, “Qof kasta waan ka guuleysan doonaa, qof kasta waan dili doonaa, qof kastana waan dhici doonaa”.

Munasabadda uu ninkan ka hadlayay xilliggaas waxaa martigeliyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kaasoo ku dhawaaqay in Ruushka uu la wareegayo afar gobol oo ka tirsan Ukraine. Dhulkaas ayuu Ruushka qabsaday, waxaana si weyn u cambaareeyay dalalka caalamka.

Maqaaxida qaraxa lala beegsaday Axaddii waxaa horey u lahaa nin la yiraahdo Yevgeny Prigozhin, oo ah madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee caanka ah ee Wagner ee Ruushka, sida uu ku warramay Website-ka kasoo baxa magaalada St Petersburg ee Fontanka.

St Petersburg waa magaalo uu ka soo jeedo madaxweyne Putin, waana magaalada uu markii ugu horreysay kusoo shaac baxay.

Maqaaxida ayaa ku taalla goob amaan ah oo dhacda bartamaha magaalada St Petersburg
Maqaaxida ayaa ku taalla goob amaan ah oo dhacda bartamaha magaalada St Petersburg

Vladlen Tatarsky, bartiisa Telegram-ka waxaa ku xiran in ka badan 500,000 oo qof, wuxuuna halkaas kusoo bandhiggaa qoraallo uu ku dhaleeceynayo dadka wado ololaha ka dhanka ah Ruushka.

Cyber ​​​​Front Z, oo ah koox isugu yeerto “xogta ciidamada Ruushka” ee ka howlgasha Telegram, ayaa sheegtay inay kireysteen maqaaxida weerarka lala eegtay.

“Waxaa dhacay weerar argagixisanimo, waxaan raacnay tallaabooyin lagu ilaalinayo amniga balse naguma filneyn”

“Waxaan tacsi u direynaa qof kasta oo aqoon u lahaa weriyaha kasoo warrami jiray dagaalka iyo qoyska saaxibkeen Vladlen Tatarsky.” sida Telegram-ka ay ku shaaciyeen Cyber ​​​​Front Z.

Bishii August ee la soo dhaafay qarax baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay meel u dhow Moscow waxaa lagu dilay Darya Dugina, oo ahayd gabadh weriye oo si weyn u taageeri jirtay militariga Ruushka. Waxay ahayd gabadh uu dhalay Alexander Dugin, oo ah saaxib si weyn ugu dhowMr Putin.

Weriyaha BBC-da Olga Ivshina ayaa sheegtay in Tatarsky uu ku biiray xoogaggii gooni u goosadka ee Ruushka 2014-kii, markaasoo ay qabsadeen meelo badan oo ka mid ah gobollada Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine.

Waxa uu ku dhashay Makiivka, oo ka tirsan gobolka Donetsk. Tatarsky wuxuu sheegay in uu ku biiray fallaagada Donetsk markii ay ka sii daayeen xabsiga kadib markii loo xiray in uu geystay falal dhac ah isagoo hubeysna, Donetsk waa mid ka mid ah gobollada uu Ruushku ku andacoonayo inuu goostay.