



Fadhigii 38-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 38-aad waxa ka mid ahaa:
1. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ซ๐๐๐ข๐ข ๐๐ก๐๐ช๐จ ๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐ซ๐๐๐๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ญ๐จ๐จ๐๐ข๐ฒ๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada si guud ugaga xog warramay safaradiisii shaqo ee uu ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sharraxay nuxurka, ujeeddada iyo guulaha diblomaasiyadeed ee ay safaradiisu xambaarsanaayeen, isaga oo tilmaamay in labadan safar ay ahaayeen kuwo istiraatiiji ah oo kor loogu qaadayay xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalkaas, isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, amniga, iyo siyaasadda gobolka.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay Xukuumaddu ku dedaalayso in xidhiidhka Somaliland iyo dalalka deriska ah uu noqdo mid ku dhisan dan-wadaag, is-ixtiraam iyo iskaashi waara, si kor loogu qaado sumcadda iyo kaalinta ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Geeska Afrika iyo Caalamkaba.
Isaguna dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa si guud uga xog warramay Safarkii shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku tegay Itoobiya, isaga oo sheegay in Safiirkaasi uu ahaa mid midho-dhal ah, oo laga gaadhay guul iyo is-afgarad muhiim ah oo xoojinaya xidhiidhka labada dal. Wasiirku waxa uu sheegay in ay kulamo badan oo istiraatiiji ah ay la yeesheen madaxda ug sarraysa dalka Itoobiya, Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Hayโadaha Amniga dalka Itoobiya.
2. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐, ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.
Wasiirku waxa uu Golaha si guud ugaga xog warramay hab-sami-u-socodka ururinta Cashuuraha dalka, kuwaasi oo u socda sidii loogu talo galay, maadaama Cashuuruhu ay kaalin weyn ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in xaaladda dakhliga iyo dhaqaalaha dalka ay u socdaansi wacan, isaga oo sheegay in ay jirto korodh muuqda oo ku yimid dakhliga gudaha, sidoo kalena ay sii xoogaysanayso xasiloonida dhaqaale ee dalka JSL.
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay bilowday qorshe dhammaystiran oo lagu casriyeynayo dhammaan Kastamada dalka, si ay farsamo ahaan iyo aqoon ahaanba ula jaan qaadaan Waddamada Deriska ah. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka ay u socoto si wacan, iyaga oo Hayโadaha Xukuumadda dhexe iyo Dawladaha Hoose ay soo gudbiyeen dalabkoodii iyo qorshayaashoodii sannad miisaaniyadeedka 2026-ka. Wasiirku waxa uu Wasaaradaha uga mahad naqay wada shaqaynta hufan ee ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
3. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac
oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran.
Wasiirku waxa uu sheegay in roobku uu ka da’ay meelo badan oo ka mid ah Gobollada dalka, laakiin ay weli Gobollada Bariga dalka ka jirto biyo yaraan. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in dedaallada Gurmadka Abaaruhu ay si wacan u socdaan, gaar ahaan qaybinta deeqaha raashinka oo la gaadhsiiyey meelaha ay ka jiraan baahiyaha ugu badani iyo Dayactirka Ceelasha Biyaha.
4. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Golaha uga xog warramay guud ahaan xaaladda caafimaadka dalka, dedaallada lagu xakameynayo xanuunnada faafa, gaar ahaan xanuunka Kaneecada (Duumada), iyo tallaabooyinka ay Wasaaraddu qaaday si loola tacaalo.
Wasiirku Horumarinta Caafimaadka JSL waxa uu Golaha u sheegay in ka Wasaarad ahaan ay dejiyeen qorsheyaal Qaran oo lagu xoojinayo, korna loogu qaadayo adeegyada caafimaad ee dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay dhawaan
Cusbitaallada Hargeysa iyo Burco ku wareejisay qalab muhiim ah oo casri ah (Mechanical Ventilation / Life Support), si kor loogu qaado daryeelka bukaannada xaaladoodu adag tahay, taas oo qayb ka ah qorshaha ballaadhan ee lagu tayaynayo adeegyada caafimaadka dalka.
5. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ-๐ ๐๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐จ๐ฅ-๐๐๐๐๐ก๐ค๐ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ซ ๐๐๐ซ๐๐ง:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in sugitaanka Caddaaladdu ay tahay Tiirka ugu muhiimsan ee Dawladnimada suuban iyo Nabadgelyo waarta. Wasiirku waxa uu sheegay si loo helo Caddaalad loo siman yahay, in ay Xukumadda Wadajir iyo Waxqabad ka go’an tahay horumarinta nidaamka Caddaaladda ee dalka JSL.
Haddaba, iyada oo laga duulayo himiladaa Qaran, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ay si weyn ugu hawlan tahay agaasinka iyo qabashada Shirweynaha Heer Qaran ee Caddaaladda, kaasi oo ay ujeeddadiisu tahay dardargelinta iyo dib-u-habeynta Hayโadaha Cadaaladda Dalka, si dabadeed loo xoojiyo wada-shaqeynta togan ee ka dhaxeysa Laamaha Caddaaladda Dalka.
Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Shirweynahan Qaran ee Caddaaladdu uu noqon doonaa madal heer Qaran ah oo lagu falanqeeyo caqabadaha jira, laguna darso fursadaha lagu tayeyn karo nidaamka Caddaaladda dalka, iyada,oo la dhowrayo madax-bannaanida garsoorka iyo u sinnaanta hannaanka sharciga Dalka.
6. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐ฐ๐๐๐ ๐๐๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ 7-๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐๐๐:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland, Mudane Jamaal Maxamed Jaamac.
Wasiirka ayaa Golaha siiyey warbixin mug leh oo la xidhiidha qaban-qaabada Carwada Teknoolajiyadda iyo Shirka 7-aad ee Teknoolajiyadda Somaliland, kuwaasi oo si xawli ah uga socda Caasimadda Hargeysa.
Wasiirku waxa uu sheegay in Carwadu ay isu keeni doonto Hayโadaha Dawladda, Jaamacadaha dalka, shirkado caalami ah oo aqoon durugsan u leh ICT-ga,
Shirkadaha Isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala dalka, hal-abuurka iyo dadka khibradda u leh horumarinta aqoonta teknoolajiyada casriga ah.
Wasiirku waxa uu xusay in Kulankan Sannadlaha ahi uu yahay Madal lagu falanqeeyo doorka ay Teknoolajiyaddu ku leedahay horumarinya adeegyada nolosha bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo dhisidda dawlad dijitaal ah oo casri ah.
Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay ku hawlan tahay dejinta siyaasado iyo qorsheyaal Qaran oo lagu dardargelinayo la-jaan-qaadka aqoonta casriga ah dijitalka, si loo suurto galiyoisku-xidhka dhijitaalka ah ee dalka.
7. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐๐๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐๐ซ๐ข๐ ๐๐๐๐จ:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay Shirka Maalinta Cuntada Adduunka si heer sare ah loogu qabtay magaalada Ceerigaabo oo ay ka jirto amni iyo xasillooni buuxda. Wasiirku waxa uu xusay in shirkaasi uu ku soo dhammaaday natiijo wacan oo kor loogu qaadayo wada-shaqaynta beeralayda, ururrada bulshada iyo hayโadaha dawliga ah, si loo dardar-geliyo wax-soosaarka iyo sugnaanshaha cuntada Qaranka.
Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay si buuxda u dhammaystireen siyaasadihii, xeerarkii iyo shuruucdii ay ku shaqayn lahayd Wasaaraddu, sidaa darteedna loo baahan yahay in Garyaqaanka u soo gudbiyo Golaha Wasiirrada.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






