Fariin ku socota Xubanaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL. Madaxweyne Muuse Ma musharax baa mise Xafiisku idinla maamula?
IIleen waakan ku qudbadeynaya doorashadu sidaasey u dhaceysa. Waxan idin xasuusinaya 2010kii . Waxaan ka mid ahaa sarakiisha Xisbigii Weyna ee UDUB.
Madaxweyne Rayaale ayaa dalbaddey iney Ciise Xamari kulmaan. Ciisena wuu diidey waxuna yidhi mudane Madaxweyne 7 xubnood uun baad la kulmi karta balse kaligey kuma iman karo.
Isagoo diidaya in kalsoonida lagu qabey wiiqanto ama shaki ka yimaado dhinaca asxaabta Mucaradka oo markaa Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay
Marka xubnahiina komishanka waxaad dhex u tihiin dhamaan tartamayaasha dalka. Masuuliyadda idin saarani waa mid ey Somaliland badbaadeedu ku xidhan tahey umadduna idinka sugeyso.
Dalkeena waad aragtaan dildilaaca ka jira. Hadaba waxaad isticmaashaan awoodiina idinkoo raacaya dastuurka dalka. Madaxweynuhu haduu idin magacaabey. Waxa ka danbeysey ansixintii Golahaa wakiiladda. Dhaarintii Maxkamadda Sare iyo kalsoonidda ey idin siiyeen asxaabta qaranka iyo ururadda tartamayaa. Heybadii qaranka oo dhan baad sidataan.
Ha dhalinyaroobina mustaqbalkiina dambe eega dalka badbaadiya oo doorasho xor iyo xaalala qabta. Sumcadd weyn baad ka heleysaan.
Hadaadse u muuqataan niman darafu dowle ah. Dalkuna buuq buu galaya idinka naaneys xun baa idin raaceysa. Umadana dhegta taagan. Waa waqti xaasxaasiya lagu jira. Waxna idinkama qarsoona
Waa dardaaran.Nin weyn iyo
Waano duleed iyo midaan Dow u lahaa
Waa bilaahi Towfiiq
Hon-Envoy Abdirizak Diinaari
diinaari1960@gmail.com