Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in muddo ka badan 30 sanno oo ay Qaramada Midoobay kor joogtaynaysay Soomaaliya, isla markaana ciidammo shisheeye ilaalinayeen oo ay qabsadeen shirar aan dhammaad lahayn, haddana Soomaaliya weli aanay awoodin inay sugto ammaanka caasimaddeeda oo ay qabato doorashooyin waqtigooda ku qabsooma.

Afhayeenka Madaxweynuhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay ku fashilantay inay hanato dawladnimadeeda iyo inay ka kaaftoonto ciidamnada shisheeye ee Muqdisho ku ilaaliya.

Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA oo uu ku baahiyay barta X(Twitter), waxaannu tilmaamay in Go’aanka Qarammada Midoobay ay ku xidhayso hawlgalkii siyaasadeed ee ay ka waday Soomaaliya aanu ahayn isbeddel farsamo, balse uu noqday mashruuc fashilmay isla markaana Hay’adaha dawladnimada Soomaaliya ay yihiin kuwo aan iskood isku taagi karin oo ku socday hay’ado dibadeed.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, waxa uu iftiimiyay in dib ugu yeedhida danjirihii Maraykanka ee Soomaaliya ay ka dhigan tahay hoos u dhigid ka dhalatay fashilka dawladnimada Soomaaliya,wuxuuna carabka ku dhuftay in farriinta Maraykanku ay tahay mid cad oo la xidhiidha tobanaan sannadood oo ay taageereen Soomaaliya ay dawladda Muqdisho noqotay mid laga quustay oo aan hirgelin dawladnimo taabogal ah iyo dimuqraaddiyad.

Mr. Xuseen Deyr wuxuu caddeeyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku naalloonayso hannaan ka duwan xaaladda Soomaaliya, waxaannu ka warramay dawladnimada JSL ku timid rabitaanka shacbiga oo ay dhisatay laamaheeda dawliga ah, iyadoo aan helin taageero dibadeed, loona baahan ciidammo shisheeye oo xasiliya ammaanka JSL.

Waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay in
Jamhuuriyadda Somaliland ay sugtay xudduudaheeda, isla markaana qabatay doorashooyin badan oo xor iyo xalaal ah, kuwaasi oo u qabsoomay hanaan qof iyo cod ah.

Xuseen Deyr wuxuu sheegay in farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya uu la xidhiidho kalsoonida iyo hufnaanta lagu qabo hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Somaliland.