Hargeysa,(Qaran news)-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool.
Sidoo kale, Gudoomiyaha UCID wuxuu tacsitadeeyay dadkii rayidkaa ahaa ee huwantu kuvlaysay deegaanka Buqdharkeyn ee gobolka Sool, waxaanu tilmaamay in Garaadada iyo kooxda la baxday G20 ay gooyeen xidhiidhkii dhaqan ee isku hayey ummadda Soomaalida.
Guddoomiye Faysal wuxuu bogaadiyay ciidanka Qaranka ee u tasgan difaaca dalka iyo dadka deegaanka ee us abaabulay ee diyaarka u ah inay iska difaacaan wax uu ugu yeedhay kooxaha iskugu soo habar wacday inay dumiyaan Somaliland.
Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu soo jeediyay in loo midoobo difaaca dalka, isla markaana loo diyaar garoobo doorashooyinka isa saarka ah ee lagu wado inay ka qabsoomaan dalka dabayaaqada bisha November 2024kii.
“Waxaan maqlayey dad leh yaan laga hadlin doorasho. Waxaan leeyahay waa laga hadlayaa waana loo diyaar garoobayaa doorashooyinka ,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.