Faysal C. Waraabe oo Xalka dawladnimadooda kala Taliyay Soomaaliya
Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Soomaaliya in aanay dawladi u hirgalaynin ilaa ay fuliyaan qoddobo uu si gaar ah ugula taliyay.
Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu baraha bulshada ku daabacay oo u dhignaa sidan:-
Xaqiiqada ka jirta the failed state of Somalia. Ninka ayaa sii taafatiran o muujiyey. Hadaba waxan ku talin lahaa sidatan: SL googosha ha u dhigto. Distuurkii Majeertin ee 2012 ha la tuuro ha lagaa hiishiiyo Caasimada cusub. Hana la heelow Distuur lagu heshiisayayhay. Haddi kale Somalia khatar ayey Gobalka Ku noqondoonta Qoraalkaan la yaabka leh ee dhiilada sida waxaa qoray khabiir xog ogaal ah oo ka tirsan DFS.
Arrimaha Murugsan ee Hadda Dalka ka Jidha:
1. Dastuur uu Madaxweyne Xasan meelmarsaday oo ku astaamaysan 4 qodob oo xasaasi ah:
– Madaxweyne la wareegay awooddii fulinta.
– Baarlamaan itaal yar.
– Ra’iisulwasaare tabar yar, oo aan lahayn xasaanad.
– Hannaan doorasho oo lagu jaangooyey rabitaanka Madaxweynaha.
2. Dowlad gobaleedka Puntland, oo lafdhabar u ahayd hannaanka dowlad dhiska oo go’day, iyo xoogagga mucaaradka oo heegan ku jira.
3. Tirada iyo tayada ciidamada Qaranka oo aad u liidata, sababa la xariira hoggaan xumo iyo khasaarihii ka soo gaadhay Al-shabaab.
4. Itoobiya oo ay ka go’antahay in ay Soomaaliya kala goyso, oo ay qaadato qeybo istaraatiji ah oo ka mid ah geyiga Soomaaliyeed.
Afartaa qodob waa xaqiiqada maanta dalka ka jidha.
Qataraha Soo Fool leh iyo Haddimooyinka Dhici kara:
1. Dalka oo si xun u qeybsama. Sida ay xaqiijinayaan xogo la isku hallayn karo, Koofur Galbeed ayaa ku xigta Puntland oo iyaduna qaadan doonta go’aan “aayo ka tashi” ah. Waxaa soo saddaxeyn doonta Jubaland, oo iyaduna ka leexan doonta Dowladda Federaalka, sababa la xariira rabitaanka Axmed Madoobe iyo masiirkiisa siyaasadeed oo ka dhan ah siyaasadda DFS.
2. Dagaal sokeeye oo ka dhasha khilaafka sii baahaya ee la xariira dastuurka iyo hannaanka doorashada. Meelaha ugu horreeya ee uu dagaalku ka qarxi doono waxaa weeya Muqdisho iyo Galmudug. Waxaa suuragal ah qulqulato in ay ka dhacdo Koofur Galbeed, haddii mucaaradka Laftagareen ay helaan xoogag uga dirira gudaha ama madaxda mucaaradka KG ay fursad u helaan in ay gaadhaan gudaha KG. Haseyeeshee, Laftagareen hawada ayuu xidhan doonaa, Itoobiyana waa ay u hiilin doontaa. Tani waa marxalad ina xasuusin doonta mahadhooyinkii 1991.
3. Al-shabaab oo dalka la wareega sababo ka dhalan doona jabka ciidanka qaranka, kala gogo’a dalka, hagardaamada shisheeyaha iyo hoggaan xumo. Haddii ay tani dhacdo, markaa Waxaan xisaabta ka soo billaabeynaa marxalad u eg balse ka sii xun kana cakiran xilligii maxaakimtii Islaamiga.
4. Madaxweyne Xasan oo ogolaada wada xaajood ka dib marka uu fashilmo, dalku uu sii qeybsamo, Al-shabaab ay sii xoogeystaan, xaaladduna ay ula muuqato halis weyn oo bannaanyaal ah. Markaa waxaa iman doona 3 arrimood oo xasaasi ah:
– Puntland iyo qeybo kale oo ka mid ah mucaaradka waxay dalban doonaan dhexdhexaadin caalami ah waxana meesha ka bixi doona Soomaalidii iskeed uga tashan jirtay aayaheeda. Markaa Waxaan sheekada ka soo billaabeynaa 2010-2012 iyo xilligii laga wadaxaajoonayey dastuurkii ku meel gaarka ahaa, oo ay jirtay faragelin shisheeye oo saameysay hab-dhiska Dastuuka Ku Meel Gaar ah.
– Qodobo aad u culus oo ku soo kordha wadaxaajoodyada, sida in laga heshiiyo caasimadda Soomaaliya. Puntland ayaa ka mid ah dhinacyada qodobkaan la iman doono miiska wadaxaajoodka. Tani waxay cakirin doontaa wadahadallada waxayna abuuri doontaa doodo cusub iyo dib u furfuridda mabaadi’ ay Soomaali horay uga heshiisay. Waxaan markaa loo noqon doonaa marxalad u eg 1958 kii-1960-kii, xilligii laga heshiinayey mabaadi’da dastuurkii ugu horreeyey ee dalka.
– Doodahaas oo dheeraada iyo in la galo xilligii doorashada ayada oo aan waxba lagu heshiinin, taasina ay keento xasillooni darro, hubanti la’aan iyo tiirkii dhexe ee federaalka oo duma.
Halistan waxaa looga fogaan karaa kaliya labo qodob:
1. Madaxweyne Xasan oo hakiya 4ta cutub ee dastuurka ee uu saxiixay. Waddada uu sharci ahaan u marayo waa mid fudud oo ku dhisan maslaxada dalka.
2. Madaxweynaha oo si dhab ah uga shaqeeya hannaan wadaxaajood oo loo dhanyahay, sida ugu dhaqsiyaha badan.