Markii uu Eebbe (SWT) nagu amray in aan ka fiirsanno abuurka geela, ma ahayn tilmaam iska yimid, balse waxay ahayd fariin qoto dheer oo ku saabsan cajiibnimada makhluuqan.

{Miyeyna u fiirsanaynin sida geela loo abuuray?}
— Waa amar Ilaaheed oo xambaarsan casuumaad ku wajahan qalbiga iyo caqliga bini’aadamka si uu uga fiirsado xikmadda abuurka.

Geela waxaa loo yaqaannaa “Markabka Saxaraha” ⛵🌵, magac aan ahayn mid iska yimid, ee lagu muteystay sifooyinkiisa gaarka ah.
Waa xoolaha ugu dulqaadka badan gaajo iyo haraad 🥵💧, una adkeysan kara kulaylka iyo qabowga daran ee saxaraha ❄️🔥, isla markaana safar dheer ku mari kara xasillooni la yaab leh 🏜️.
Geelku wuxuu qaadi karaa culaysyo aad u waaweyn, bixiyaa caano badan 🥛, hilibkiisuna waa mid aad u qiimo badan 🍖.

Geela Carbeed, gaar ahaan, wuxuu leeyahay muuqaal qurux badan: qoorta dheer oo qalloocan 🦒, laab fidsan, iyo sanka muuqda oo dhabarka ka taagan 🐫.
Dad badan waxay aaminsan yihiin in sanku yahay keyd biyo, balse xaqiiqdu waa in uu yahay kayd dufan ah 🧈 oo gaaraya ilaa 36kg. Dufankaasi ayaa ah waxa u suurageliya geela inuu maalmo badan ku noolaado isagoo aan wax cuniin 🍂.

Geelku waxa uu cuni karaa dhir qodxo leh 🌵 isagoo aan waxyeello kasoo gaarin, sababtoo ah afkiisa waxaa ka buuxa unugyo adag oo difaacaya, taas oo u sahlaysa inuu si fudud u calaliyo cawska qodxaha leh 🧶.

Marka uu haraado, wuxuu awood u leeyahay inuu dib u ururiyo uumiga biyaha ee neefta la baxo 🌬️💧, isagoo ku ururiya gudaha sanka si uu u kaydiyo biyaha.
Markay dhacaan dabeylo ciid wata 🌪️, wuxuu si toos ah u xiraa daloolada sankiisa si ciiddu aysan u gelin 🫢.

Geelku waxa uu leeyahay hab-dhiska kuleylka (heerkulka) jirkiisa oo mucjiso ah 🌡️. Wuxuu heerkulka jirkiisa kor u qaadaa ilaa 41.7°C si uusan u dhididin, wuxuuna bilaabaa dhidid kaliya marka heerkulka deegaanka dhaafo 42°C 🔥.
Wuxuu lumin karaa ilaa 30% biyaha jirkiisa isaga oo aan wax dhaawac ah ka soo gaarin — taas oo khatar u noqon lahayd xoolaha kale.

Waxaa intaas dheer, geelu wuu cabbi karaa biyaha badda 🌊. Kilyihiisu waxay leeyihiin awood ay ku shaandheeyaan cusbada 🧂.
Unugyada dhiiggiisa cas waxay u eg yihiin oval 🧬, taasoo ka caawisa in ay si badbaado leh u nuugaan biyo badan.
Jidhkiisuna waxa uu awood u leeyahay inuu dib uga faaiideysto biyaha kaadida, isagoo mar kale uga dhiga biyo iyo borotiin, taas oo ay suurtagelisay bakteeriyo gaar ah 🧪.

Indhihiisa waxaa ilaaliya rimo dheer oo labo lakab ah 👁️‍🗨️ oo is xiraya marka uu la kulmo dabeylo ama qorrax toos ah ☀️.
Dhagahiisa yaryar waxay qariyaan maqalka aadka u dheer 👂.

Geelku waxa uu leeyahay xubin gaar ah oo la yiraahdo “shaqqo-shaqo” 🫦 — waa kiish uu afka kasoo bixiyo marka uu xanaaqo ama doonayo inuu muujiyo awoodda xilligii taranka 👑💢.

Inkasta oo uu yahay xoolo dhirta cuna 🌿, haddana wuxuu leeyahay ilko xooggan oo mararka qaar khatar noqon kara 🦷, taas darteedna mararka qaar geeljirayaashu way jaraan si ay iskaga ilaaliyaan dhaawac.

Geelka labka ah ee hogaamiya raa’iga wuxuu si xoogleh uga ilaaliyaa geela kale inuu u dhowaado dumar reerka ka tirsan, wuxuuna la dagaallamaa ciddii soo dhowaata 💥.

Geelku sidoo kale waa xoolo aad u fahmo badan 🧠 oo si sahal ah wax u barta 🎓; wuxuu maqlaa codka raaciyihiisa, wuxuuna dhaqaaqaa marka uu maqlo codkiisa 🎤.
Wuxuu leeyahay xusuus dheer, wuxuuna xasuustaa meesha uu ku dhashay, meelaha ay biyaha yaallaan, iyo qofka daryeelay 💞.
Mararka qaar wuxuu noqdaa tilmaame ama hagayaal, gaar ahaan marka reer miyigu ay ku lumaan saxaraha 🧭.

Waa xoolo daacad ah 🤝. Marka ay dhacaan dabeylo daran, wuxuu u oggolaanayaa raaciyihiisa inuu dhex fadhiisto labada lugood ee hore si uu ugu noqdo gaashaan noole 🛡️.

Hase yeeshee, geelku ma illoobo dhibkii lagu sameeyay 😠, waxaana suurtagal ah inuu aargoosto haddii fursad u helo — xitaa muddo dheer kadib 🐪💢.

Geelkan quruxda iyo cajiibnimada leh ee Ilaahay siiyey jidh adag, awood layaab leh, iyo dabeecado mucjiso ah, wuxuu ka mid yahay calaamadaha cajiibka ah ee abuurka Rabbaaniga ah ee u adeega bini’aadamka 🤲.

Soo gunaanadkii:

{Miyeyna u fiirsanaynin sida geela loo abuuray?} ✨📖

Subxaan Allaah Al-Khaaliq, Al-Musawwir, Al-Mubdi’… Waa Eebbe 🕊️
Wassalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh 🤍 hadad halkan ila soo gaadhay inaad fallow i dhahdo ha iloobin mahadsanid