Lix qof ayuu Allaha weyni uga neceb yahay:Qofka beenaalaha ah, Qofka dhiig
dad aan waxba galabsan daadiya, Qofka
ay caado iyo cibaado u noqoto in uu ku
kaco shirqoolo, xin iyo xaasidnimo, Qofka mujtamaca dhex dhigga fidmo iyo kala erdhayn iyo kala faqooqid, Qofka had iyo
goor u markhaati beena u fura qof daalin
ah, iyo Qofka kibira ee afka taaga asagoo qudh ahaan iyo qof ahaanba aanay
Caloosha iyo Afka waxba uga sarayn.

Madaxda xukumadda hadda jirtaa waxa caddo iyo cibaadaba u noqday in ay had iyo jeer ku eedeeyaan labada xisbi mucaarid, siiba Waddani, iyo cidda taageertaba in ay qaran dumis yihiin.

Mar maaha oo laba maaha oo saddex maaha, oo afar maaha ee tiraba waxaynu xasuusanahay laga bilaabo illaa maalintii laga safeeyey ciidamaddii Faqashta dhulka
S/land ay Kornaylada dalkan hadda ka
taliyaa lahaayeen hadadatanna leeyihiin
WAA QARAN DUMIS XISBIYADA MUCAARIDKU IYO TAAGEERAYAASHOODU.

Labada Kornayl, Muuse Biixi iyo Inna Kaahin, waxay si aan gabasho lahayn ugu eedeeyeen xisbiga Waadani in uu S/weyn yahay xilligii doorashadii madaxtooyada 2017kii oo been aan raad lahayn ahayd ahna been illaa yawma diin. Lagulama xisaabtamin labada Kornayl beentaas cad iyo dacaayadaa jaban ee sumcad dilka ah illaa hadda.
Waxa taa ka daran oo uu inna kaahin
yidhi WAA QARAN DUMIS cidda aan taageerin Go’aan ku-sheegii mudaynta doorashooyinka ee ay Xubnaha garabkii metelaayay Xisbiga Kulmiya ee
Komishanku ay keligood iskaga
dhawaaqeen, ayagoon xeerna ku salayn habayaraatee, asagoo u jeeday labada
xisbi Waddani iyo Ucid iyo taageerayaashooda, mar uu afka xisbiga Kulmiye iyo ka nidaamkan mudoo
xileedkiisi dhammaadayba uu ku hadlayey shir-saxaafadeed ku taariikhysnaa 20kii bishan Ogis 2023 kuna saabsanaa
taageerid, soo dhaweyn, hambalyayn iyo aqbalaad go’aankaas gacan ku rimiska
ahaa ee hore ay madaxtooyadu iyo Guurti
ku-sheegu ay si wadajir ahayd u soo malmaluuqeen.

Taasi waxay caddayn u tahay in maantana
ay Kornayladu rabaan in ay ku shaambadeeyaan reerka Garxajis la yidhaahdo QARAN DUMIS markay
arrimihi dhaafeen illa-wareegeyso, illa-meerayso, igula-jiqsii, ii-markhaati fur, kursigsiga igu-haya sidii Afweyne, aan ka rawno madaxnimada, yay-urinin, muddo-kordhin ii-sameeya, yaynaan u joojin,
sidaynu doono aan sharciga u dhigno, distoorkana aan iska laablaabno, wax
kasta markay sameeyeen ee ay komishankiina ay kolba isbaaro u
dhigeen.

Komishankee go’aan midaysan gaadhay? Waa been Komishankii qaranka ayaa go’aamiyey mudayntii doorashooyinka, ta ururo ku-sherega iyo ta madaxtooyada. Komishan isku raacay kala horaysiinta iyo mudaynta doorashooyinka ma jiro. Been
yaan dafeeynaha loo sheegin.

Muwaadin Komishanka qaranku waa 7 xubnood, 3 xubnood madaxtooyada ayaa
soo magacawday, oo waa ilma Muuse
Biixi, 2 xunood waxa soo magacaabey Saleebaan Geel, oo ah gacan yaraha
Muse Biixi, ahna shaambad la dhacaha
arrin kasta oo uu Muse Biixi soo jeeediyo, ahna isku-diraha koowaad ee isku lisa reer Burco, Bari iyo Galbeed u collaysiiya,
distoor jabiyaha labaad ee aan abid xin
iyo xasrad mooyee xalin khilaafaad ka shaqayn, dagaal huriyihii 94kii, ninkii
yidhi 2 saacadood ii qabta intaan H/Y
ku buufinayo.

Labada xubnood ee kale waxa soo magacaabey oo ay kakala socdaan labada xisbi mucaarad, Waddani iyo Ucid.

Go’aan kasta, xal kasta, mudayn kasta iyo qorshe hawleed kasta oo ku saabsan doorashooyinka oo ay 7daas xubnood isla qaataan, isla gartaan, isku waafaqaan
iskuna raacaan WAA SHARCI AAN
XISBINA DIIDI KARIN.

Qorshe hawleed kasta, waxa uu doono
ha noqdee, oo ku saabsan doorasho ay tartamayaan madax xisbiyo kala duwan kakala socotaa oo han hogaamin dal leh
oo aanay xubnaha komishanka qaranka
ee xisbiyada mucaaridka iyo muxaafidkuba
isku waafaqsanayn iskuna raacsanayni
WAA WAXBA KAMA JIRAAN (Null and
VOID).

Sharci ahaan, caqli ahaan, diin ahaan, iyo dad ahaanba Komishan ka kala socoda xisbiyo qaran waxa ka xaaraan ah in xubno (garab) xisbi qudha metelaya ay go’aan aan xubnahu isku raacsanayn ay soo saaraan.

Sidaas la ajligeed go’aankii ay xubnaha 5ta
ah ee garabkii xukuumadda ugu jiray komishanka ku dhawaaqeen waa go’aan gacan ku rimis ah, xaaraan ah, shuruucda doorashooyinka baal marsan, oo ku salaysan gacan ku-qaadasho distoorkii iyo xeerarka dalka u yaalay.

Shantaa xubnood waxay jabiyeen dhaartii
ay ku dhaarteen in ay dalka, dadka iyo xisbiyadba dhex u noqonayaan inta ay xilka hayaan mudada.doorashooyinka. Dembi ayay dalka iyo dadkaba ka galeen shantaa xubnood, inta nin dambiile ah la taageerayana, S/land dawlad noqon mayso.

Dadka, waqtigan aynu ku jirno, waxa xidha
oo seeto aanay jari karin goyna karin u moqda laba arrimood:

Arrinta 1aad: Diin baa qofka damiirkiisa iyo dadnimadiisaba xidha oo baroosin u noqota. Fasiraad; qofku illaahay ayuu ka xishoodaa
kana cabsoodaa markuu wax ku dhaqaaqayo, dadkiisana wuu nabad geliyaa, wax xunna umma quudho kulamana kaco.

Arrinta 2aad: Haddii dadku illaahay ka
cabsan waayaan, aadamahiisana ka xishoon waayaan, waxa.edbiya oo caqli u sameeya shuruucda ay bulshadu dhigtaan in ay isku xukumaan. Hadfa dadka talada dalka hayaa illaahayna kama cabsadaan aadanahiisana kama xishoodaan, sharci edbiyaana ma jiro.

Muwaadin maw malaynaysaa in uu Saleebaan Gaal illaahay iyo aadamahiisa midna ka xushoodo? Ninka asagoo da’daasa oo aakhirul cumri taagan haya’d xeer dejin dal ahi XEER ay soo gudbisey debeda u tuuray, roob da’ayeyna u dhigay asagoon ka furin galkii uu ku jiray, alle ka cabsi iyo aadmi ka xishood midna ma garanayo.

Go’aankaasi waa xaaraan xeerna xalaalayn karin.

By: Jamafalaag
Hargeysa, S/land.

jamafalaag@gmail.com

Maqaalada ku soo baxa shabakadani waa mid ka mid ah fikraaha akhristayaasha