Golaha Ammaanka ee Itoobiya ayaa wacad ku maray inuu xallin doono ‘fikradaha siyaasadeed ee xagjirka ah, dambiyada abaabulan iyo dhaca soo ifbaxaya

“Dowladdu waxay wadaa shaqo ballaaran oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyadan khalkhal gelinaya nabadda guud ee miyi iyo magaalaba,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay soo saareen goluhu kaddib shir ay maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Hadalka Goluhu waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay jiraan warbixino sheegaya in meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ay ka jiraan dhaqamo baahsan oo la xiriira #afduubka madax-furasho iyo #dhac ay u geysanayaan xubno hubeysan.

Goluhu wuxuu sheegay iyada oo qayb ka ah wax ka qabashada dhibaatada ka jirta degmooyinka iyo tuulooyinka miyiga, “dadka deegaanka si sax ah loo tababari doono si ay u ilaaliyaan nabadda deegaanka” taas oo qayb ka ah dadaalka dawladda ee ilaalinta nabadda iyo amniga.

Iyadoo lagu amaanayo hindisayaasha gobollada qaarkood, waxay iftiimisay in dal “ballaaran oo dadku ku badan yahay” sida Itoobiya, maleeshiyooyinka maxalliga ah iyo hay’adaha kale ee taageera nabad ilaalinta ay door muhiim ah ka ciyaaraan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida heer deegaan.