Golaha Deegaanka Hargeysa oo shaaciyay inay middaysan yihiin oo ay ummadda u adeegayaan
Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa sheegay in middaysan yihiin oo ay hoggaankooda ku kalsoon yihiin.
Waxa ay sheegeen inay maanta iyagoo isku dhan ay wixii kala aragti duwanaan shaqo ah ay dhammaysteen.
Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Hargeysa Siciid Nuur Jaamac ayaa sheegay in wadajir golaha deegaanku ummadda soo dooratay ugu adeegayaan.
Sidoo kale xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka ayaa muujiyay inay wadajir ugu adeegaan caasimada Hargeysa.