Golaha Guurtida oo Fasax Dheer ka Galay Xeer Muhiima oo ku soo Wajahnaa

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta mudanayaasha Golaha ku wargeliyey inay galaan fasax bil iyo badh ah xili ay xaalado xaasaasi ahi ka jiraan dalka.

Xilligan oo golaha wakiilladu ku gudo jiraan is wafajinta xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee dhawaan ay go’aamadii xalka ahaa ka soo saareen ergo ka socotay beesha bariga Burco. Iyadoo xeerkani uu Wakiillada kadib iyaga u gudbi doono.

Sidoo kale Golaha Wakiillada ayaa si jiitan ku jiro u wada xeerka doorashooyinka iyo is waafajinta labada doorasho. Waxana Guddoomiye Faratoon u saaray Guddi ilaa imika ku mashquulsan talo urursiga la xidhiidha xeerkan oo ay la yeeshern xisbiyada, ururrada siyaasada, ururrada bulshada rayidka ah, komishanka doorashooyinka iyo xubno kale oo ka tirsanaan jiray Guddiyadii hore ee doorashooyinka.