Hargeysa(Qaran news)-Fadhigii saaka ee golaha Guurtida Somaliland, oo uu shir guddoominayay guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa guddi hoosaadyada golaha ka codsaday inay warbixinahooda ku soo wareejiyaan xoghayaha golaha guurtida Somaliland, si xoghayntu isugu dubaridato warbixinahaasi.

Golaha guurtida Somaliland ayaa la filayaa inay fasaxa ka soo noqodaan bisha afraad todoba iyo labaatankeeda.