Golaha wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay wareegtadii madaxweynahu uu ku soo saaray in doorashooyinka ururada iyo ta madaxtooyada la is raaciyo.
Tan iyo intii heshiiska laga gaadhay buuqii ka dhashay arimaha doorashada waxa laga dareemay suuqyada caasimadda isbadal xoogan kaasi oo lagu wado in wax walliba caadigoodii ku soo laabtaan.