Golaha Wakiillada Puntland oo ansixiyay wax-ka-bedelka Dastuurka.
Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha Wakiillada Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 34 mudane, Diidmo 1 Mudane, cid ka aamustayna majirin, waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta wax-ka-bedelka Dastuurka.