Guddida Dhaqaalaha ee Wasiirradda oo Ansixiyay Warbixintii ka soo baxday Shirkii Dhaqaalaha
Hargeysa(Qaran news)-Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiirrada JSL ayaa maanta kullan ka yeeshay dib u eegis ay ku sameeyay Warbixinta Hordhaca ah ee ka soo baxday Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha 2aad 2023.
Ka dib markii ay dhegaysteen Xubanaha guddida farsamo warbixintii Shirka ka soobaxday,
Intaa kadib waxay guddida dhaqaaluhu ansixiyeen warbixinta hordhaca ah ee Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha 2-aad iyo Sidoo kale mudnaanta wax laga qaban-doono sannadka soo-socda ee 2024.