Guddida Doorashooyinka oo la Kulmay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Hargeysa(Qaran news)-Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland oo maalmihi u danbeeyay waday kulamo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, ayaa maanta kulan la yeeshay ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland.

Guddida doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan la qaatay ururrada bulshada rayidka ah ee ka jira Somaliland, kulankaas ayaa intii uu socday lagaga wada hadlayay arrimaha doorashooyinka.

Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa toddobaadkii dhawaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxda saddexda xisbi Qaran iyo ururadda siyaasadda ee Somaliland.

Kulamadaasi oo ay xubnaha komishanka doorashooyinku masuuliyiintaasi kala duwan xarumahoodda kula yeesheen ayay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha doorashooyinka dalka ku soo foolka leh.

Kulamadan koomishanku ugu talo badsanayaan ayaa yimid Kadib markii uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland dib ugu celiyay waraaq codsi ahayd oo ay kaga dalbanayeen in maxkamadda sare ay tafsiir sharci ka soo bixiso ta soo horaynaysa doorashooyinka madaxtooyadda, iyo ta ururadda siyaasadda.