Guddida Garsoorka ee Golaha Wakiillada oo la Kulmay Masuuliyiinta UK u Qaabilsan Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqal Aadamaha ee golaha Wakiillada JSL oo maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday Safaarada Ingiriiska ee Somaliland.

Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd dib u eegista iyo sii xoojinta wada-shaqayneed ee ka dhaxaysa Guddiyada golaha iyo masuuliyiin Cusub oo loo soo magacaabay British office Hargeysa.

Is barashada iyo is xogsiinta labada dhinac safaarada ingriiska ee Somaliland iyo Golaha Wakiilada ayaa si wanaagsan iyo is faham guud oo wada shaqayneed ku soo dhammaaday.