Guddida Garxajis iyo Salaadiinta Arab oo Kulan ku Yeeshay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)- Guddida beesha Garxajis ayaa maanta kulan la yeeshay salaadiinta iyo Madax dhaqameedka beesha Arab.

Guddida iyo salaadiinta Garxajis iyo dhigooda beesha Arab ayaa la sheegay inay wada qadeeyeen isla markaana kulan albaabadu u xidhnaayeen ka yeesheen xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wax tafaasiil ah lagama bixin waxyaabihii labada beelood isla qaateen, hase yeeshee waxa ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga beelahaas walaalaha ah iyo sidii la iskaga xaal waraysan lahaa duruufaha siyaasaddeed, amni iyo bulsho ee JSL.